Biden oo wax ka bedelay siyaasadii Maraykanku uga howlgeli jiray Somalia

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa isbadal ku sameeyay qaabka ay Ciidamada sida gaar ah u tababaran iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn uga howlagalaan Soomaaliya.

Jariidada New York Times ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa daabacday maanta oo Khamiis ah in siyaasadan cusub oo mid KMG ah ay  tahay mid loo qaaday dhinaca la dagaalanka argagaxisada gaar ahaan meelaha ka baxsan degaanada colaadaha sida wadamada Somalia, Afgaanistan, Iraq iyo Yemen.

Siyaasada cusub ayaa ah in CIA-da iyo Ciidamada Mareykanka ay marka hore ogolaanshiyo kaga haystaan aqalka cad ee Mareykanka taasoo ah mid wax ka badalaysa siyaasadii Madaxweynihii hore Mareykanka Donald Trump uu ugu ogolaaday ciidan iyo sirdoonkaba in go’aanka ay iskood u gaari karaan meelaha ay howlagalada iyo duyeymaha ay ka geysanayaan.

La taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweyne Biden Jake Sullivan ayaa qorshahan gudbiyay 20kii Janaayo maalinta xilka loo dhaarinayay Biden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -