Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal khaaaro badan dhaliyay oo dhaxmaray ciidamada Sudan iyo kuwa Itoobiya 

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga Sudan iyo kuwa Itoobiya oo garab ka helayay ciidamo kasoo jeeda Eritrea ayaa ka dhacay xadka ay ku muran san yihiin dowladaha Sudan iyo Itoobiya.

Warbaahinta dalka Sudan ayaa ku warantay in ciidamada milatariga Sudan dagaal adag kala hortageen ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad la socday, waxa ayna tabiyeen in daaalkaasi lagu laayay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadkii la socday.

Warbaahinta Sudan Tribune oo soo xiganeyso saraakiil ka tirsan ciidamada Suudaan ayaa baahisay  inay qarka u saaran yihiin ciidamada inay qabsadaan deegaanka Barakat Buureyn oo dhaca dhul baaxadda weyn ee lagu muransan yahay ee Al Fashaqa.

“Dagaalka ayaa socday tan iyo koowdii bishan kaas oo u dhexeeyay ciidamada Suudaan iyo kuwa Itoobiya oo garab ka helaya ciidamo Eritrean ah, Ciidamada Suudaan waxay khasaare gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya iyo xulafadoodii” ayay ku warrantay warbaahinta Sudan Tribune.

Dowladaha Sudan iyo Itoobiya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin dagaaladan la sheegay in ay ka dhaceen xuduuda labada dal ku muransan yihiin, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka faraha ka baxo .

Dhinaca kale dowlada Eritrea ayaa beenisay in ciidamadeeda oo garab siinaya kuwa Itoobiya ka dagaalameen xuduuda Sudan iyto Itoobiya, waxa ayna Eritrea warkaasi ku tilmaantay mid waxbo kama jiraan ah.

Sudan iyo Itoobiya ayaa ku muransan lahaanshaha dhulka Al-Fashaqa, oo ku fadhiya dhul dhan 600 kiilo mitir , waxaana dhulkan oo beerashada ku wanaagsan horey u deegaansaday dad Itoobiyaan ah halka Sudana ay sheegato in dhulkaasi iyadu leedahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Khayre oo Magacaabay guddi cusub oo Wasiiro ah

Caydiid Ali

Dad wejiyada qarsaday oo Laftagareen ku soo dhoweeyey Buur hakaba (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Laftagareen & danjire Ben Fender? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---