Baaritaan lagu bilaabay Shirkad bilowday Uruurinta Kaadida Haweenka Uurka leh !!

Shirkad lagu magacaabo Polai oo ka howlgasha dalka Tanzaaniya ayaa bilowday in ay uruuriso kaadida haweenka Uurka leh si ay uga sameyso daawooyin si ay baahiyeen Warbaahinta dalka Tanzaaniya.

Dowlada Tanzaaniya ayaa sheegtay in ay baaritaano ku sameeneyso shirkad bilowday uruurinta kaadida haweenka uurka leh si ay uga sameyso daawooyin ay shirkada sheegtay in ay wax u tareyso dhalmo la’aanta.

Wargeyska The Citizen ee kasoo baxa dalka Tanzaaniya ayaa qoray shirkad oon ruqsad ka heysay Waaxda dawooyinka Tanzaaniya bilowday uruurinta kaadida haweenka Uurka leh si ay ganacsi uga sameyso .

Waxa uu baahiyay wargeyska oo soo xiganayay shaqaale katirsan shirkada in ay wadeen howlgalo ay ku aruurinayeen kaadida haweenka uurka leh si ay uga sameeyaan daawooyinka dhalmo la’aanta wax ka taraya.

Dowlada Tanzaaniya gaar ahaan Waaxda dawooyinka ayaa sheegtay in ay qaadi doonaan talaabooyin sharci ah marka lasoo gabo gabeeyuo baaritaanada lagu wado shirkadan uruurineysay kaadida haweenka uurka leh.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -