Mareykanka oo ku baaqay in heshiis deg deg ah laga gaaro Doorashada Soomaaliya

Safaarada Mareykanka ku leedahay Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ugu baaqday dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka heshiis deg deg ah ka gaaraan khilaafka hareeyay doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in waqtiga uu aad u socdo isla markaana looga baahan yahay saamileyda siyaasada Soomaaliya in heshiis deg deg ah ka gaaraan doorashada.

“Waqtigu wuu socdaa. Waxaan ka codsaneynaa madaxda DFS iyo dowlad Goboleedyada in ay hada kulmaan, wax sax ahna u qabtaan dadka Soomaaliya, oo ay dhameystiraan doorashada ayaa lagu yiri Qoraalka safaarada Mareykanka kasoo baxay.

Dowlada Mareykanka iyo Wakiilada kale beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa cadaadis ku saaraya Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada in heshiis ka gaaraan khilaafka ka taagan dooarashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -