Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo la magacaabay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka .

Taliyaha cusub ee Hay’adda NISA ayaa loo magacaabay Mudane Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo katirsan xildhibaanada gollaha shacabka horeyna xilal kala duwan usoo qabtay.

Hay’adda NISA ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay aan laheyn taliye rasmi ah, waxaa taliyaha KMG ee NISA ahaa Yaasiin Farey oo isna kamid noqday xildhibaanada gollaha shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay magacaabista xilal sar sare, waxa uuna Madaxweynaha xilal kala duwan ku abaalmarinayaa saaxiibadiisa ku dhaw dhaw.

- Advertisement -