Baarlamaanka Galmudug oo ka laabtay Qodob shalay soo saareen kadib Cabasho ka timid Murashaxiin

Waxaa daqiiqado kadib la filayaa in Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug guda galaan doorashada lix Xubnood oo kamid noqonaya Senatarada Aqalka Sare ku matali doona Galmudug.

Xildhibaanada ayaa hada dhageesanaya khudbadaha musharaxiinta u tartameysa kamid noqoshada Aqalka Sare, waxaana marka ay khudbadaha dhamaadaan Baarlamaanka guda geli doonaan doorashada Xubnaha Aqalka Sare ku tartamaya.

Habraacada doorashada Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Galmudug oo shalay lasoo saaray ayaa lagu cadeeeyay in musharax hadii uu ka tanaasulo tartanka musharaxa haray cod qarsoodi ah 50+1 lagu dooran doono.

Musharaxiinta lixda ah ee loo soo xulay in Galmudug ku matalaan Aqalka Sare ayaa ka biyo diiday qodobkan codka qarsoodiga ah, waxa ayna codsadeen in gacan taag loogu codeeyo musharaxa haray hadii loo tanaasulo.

Gudoonka Baarlamaanka Galmudug iyo guddiga doorashada qaban qaabinaya ayaana wadatashi kadib meesha ka saaray habraacii shalay, waxa ayna shaaciyeen in qaab gacan taag ah loogu codeyn doono musharaxii loo tanaasulo.

Habraacan ayaana meesha ka saaraya walaacii lasoo darsay musharaxiinta uu uu Aqalka Sare la rabo Madaxweyne Qoor Qoor kuwaa oo horey usoo watay musharaxiin malxiis ah oo qaarkood kula heshiiyeen in ay u tanaasulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -