Dilal Goordhaw ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo Faah Faahino aan ka helnay

Waxaa goordhaw gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan boosteejada laga raro baabuurta ceelsha biyaha aada lagu dilay labo nin oo dhalinyaro ah halka mid kalana isbitaal loola cararay isaga oo dhaawac halis ah.

Sida aan wararka ku helnay dhalinyaradan la toogtay oo wada socotay ayaa katirsanaa ciidanka nabad sugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa dhar cada ee loogu yeero ilaalada shacabka .

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag biskoolado ku hubeesnaa ay gaadeen dhalinyaradan kadibna madaxa ka toogteen, waxaana goobta ku geeriyootay labo kamid ah ciidanka dharcada halka mid kalana isaga oo dhaawac culus kuyaal goobta laga qaaday.

Ciidamo katirsan Nabad sugida iyo booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay iyaga oona halkaasi ka qaaday meydadka, ciidamada ayaa sidoo kale goobtaasi ka sameeyay baaritaano aan wali la shaacin natiijada kasoo baxday.

Dilalka gaadmada ah ee loo geesanayo ciidamada ilaalada shacabka ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, ciidamdan oo u badan dhalinyaro wax baratay ayaa mudooyinkii dambe ka howlgalayay xaafadaha Muqdisho iyagoona wax ka bedelay amaanka caasimada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -