Rooble oo kulan arimo xasaasi ah looga hadlay la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka 

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka, waxa uuna kala hadlay arimo dhoor ah ay kamid yihiin doorashada Soomaaliya.
 
Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay sii wadista wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii ay soo saareen Guddigii farsamo ee Baydhabo ku shiray.
 
Labada Dhinac ayaa kawada hadlay muhiimada ay leedahay sii wadida wadahadalada xal loogu raadinayo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo sidii mar kale la isugu imaan lahaa shir looga heshiiyo khilaafka doorashada.
 
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta Mucaaradka ee 25-kii Febraayo ku yeesheen Hotelka Decale.
 
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku cadaadinaya Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya , kuwa maamulada iyo Musharaxiinta mucaaradka in xal laga gaaro ismari waaga ka taagan doorashada waqtigeeda dhaaftay ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -