Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin kormeeray Suuq Dagaal ku gubtay (Sawirro)

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee maamul goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiin kale oo la socotay ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa weyn ee degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ku gubtay dagaalladii maalmahii lasoo dhaafay ka dhacay.

Maxamuud Sayid Aadan oo ay wehliyeen xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo saraakiil katirsan Ciidanka ATMIS ayaa indhahooda kusoo arkay qasaarihii uu reebay dagaalkii ka dhacay degmada Luuq, gaar ahaan suuqii degmadaasi oo dagaalka ku gubtay.

Masuuliyiinta tagtay degmada Luuq ayaana aad uga naxday dhibaatada khasaaro ee ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Luuq, oo sidoo kale sababay dhimashada dad badan oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaallamay.

Kormeerka masuuliyiintan maanta ku tageen suuqa degmada Luuq ee dagaalka ku gubtay ayaa imaanaya xilli heshiis xabbad joojin ah laga gaaray dagaalkii dhawaan degmadaasi ku dhax maray labo maleeshiyo beeleed oo taageero ka kala helay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Muqdisho ku dishay Labo haween ah oo guri la degnaa iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Sacuudiga oo Guul mucjiso ah ka gaaray ciyaarti dhexmartay xulka Argentina (Sawirro)

Caydiid Ali

War Deg Deg ah : Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la doortay (Yaa ku guuleestay)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---