Sacuudiga oo jawaab kulul ka bixiyey Warbixintii Sirdoonka Maraykanka

Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruuray warbixinta kasoo baxday Mareykanka ee ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyada ayaa lagu sheegay in eedda loo soo jeediyay Maxamed Bin Salmaan inay tahay mid gaf ah.

Maxkamad ku taal waddanka Sucuudiga ay maxkamadaysay bishii Sibteembar ee sanadkii hore xukun 20 sanadood ah ku ridday shan qof kaddib markii hore oo ay dil ku xukuntay.

2019-kii, Agnes Callamard oo ay Qaramada Midoobay u saartay arrintaasi inay ka soo warbixiso ayaa waxay dowladda Sucuudiga ku eedaysay inay fulisay dilka ula kaca ah ee la sii qorsheeyay ee Khaashuqji waxa ayna gaashaanka u daruurtay maxkamadaynta Sucuudiga iyadoo ku tilmaantay mid cadaaladda lagu hareermaray si ra’yul caamka loo marin habaabiyo.

Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -