Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay gudaha Kenya & khasaare ka dhashay

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray fariisin ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka Magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari dalkaas.

Degaanka Sheekh Barrow ee duleedka Mandhera oo ah goobta weerarku ka dhacay ayaa waxaa la isku weydaarsaday rasaas rasaas culus sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan degaanka.

War Al-Shabaab ay ka soo saartay weerarka ayey ku sheegteen inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya iyo askar kale ayna ku dhaawaceen ciidamo kale.

Saraakiisha ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari weli kama hadlin weerarkan oo qeyb ka ah weeraro joogto ah oo Al-shabaab sanadihii la soo dhaafay ka waday gudaha Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii Wada-tashiga ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war laga soo saaray !!(Daawo Muuqaal)

admin

Cumar Filish oo albaabada ka xirtay qaar ka mid ah Masuuliyiinta degmooyinka Muqdisho

Caydiid Ali

Faahfaahin: Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland oo dil & dhaawac loo geystay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---