Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble iyo Musharaxiinta oo ku dhow iney heshiis hordhac ah gaaraan.

Warar yididiilo wanaagsan leh ayaa ka soo baxaya shirka Hotelka Decale uga socda RW Rooble iyo Midowga Musharaxiinta kaasoo looga hadlay xaalada caasimada iyo banaanbaxyada ay beri oo Jimco ah ku baaqeen mucaaradka.

Ilo ku dhow dhow shirka ayaa Allbanaadir Online u xaqiijiyay in Xukuumadda ka dalbatay musharaxiinta in bannaanbaxa berri oo ah 26 Febrayo dib loo dhigo, si loogu diyaar garoobo sugida amniga iyo sidii loo qaban lahaa bannaan bax si nabadgelyo ku dhaca.

Sidoo kale, Xukuumadda ayaa Guddi baaritaan u saareysaa dhibaatadii dhacday 19-kii Febraayo, iyadoo muujineysa iney ka xuntahay wixii dhacay, sidoo kalena ay ka tacsiyadeyso dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Waxa jira qodobo kale oo laga wada hadlayo, iyadoo la filayo in kulanka caawa laga soo saaro go’aano ku saabsan qodobada laga wada hadlay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre aqbalay in uu is casilo ?

Cabdi Cade

Naadiga Muqdisho City oo la ganaaxay, amarna lagu siiyay inay raali gelin bixiyaan (Sawirro)

Caydiid Ali

UNHCR oo qaxooti badan ay Soomaali ku jiraan geysay dal Yurub kuyaala

Cabdi Cade
Taboola Ads ---