Biden oo laalay Mid ka mid ah sharciyadii ugu adkaa ee uu soo saaray Trump

Madaxweyne Joe Biden ayaa laalay wareegto uu hore u soo saaray madaxweynihii isaga ka horeeyay, taasoo hor istaagtay in badan oo ka mid ah dadkii soogalootiga ah ee dalban lahaa deganaashaha Mareykanka.

Madaxweynihii hore Donald Trump ayaa mamnuucay soogalootiga, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo shaqaalaha Mareykanka, iyadoo shaqo la’an badani ay jirto cudurka faafa ee coronavirus aawadiis.

Waxa uu Biden diiday sababayntaas kaddib markii uu soo saaray bayaan rasmi ah oo uu ku laalay xayiraaddii fiisahaas Arbacadii.

Madaxweyne Biden oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa sheegay in xayiraadani ay hor istaagtay in qoysas badan dib ugu midoobaan Mareykanka, ayna waxyeelo u geysatay ganacsiyada Mareykanka.

Biden, ayaa ballanqaaday inuu wax badan ka badali doono siyaasadihii qalafsanaa ee socdaalka ee Trump.

Dadka u dooda soogalootiga ayaa ku cadaadiyay todobaadyadii la soo dhaafay inuu ka qaado xayiraada fiisahan oo lagu waday inuu dhaco 31-ka Maarso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -