Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Hotelka Decale ka furmay iyo Xasan Cali Kheyre oo …

Waxaa goordhaw Hotelka Decale ee kuyaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka furmay shir xasaasi ah oo u dhaxeeya Ra’isul Wasaaraha Xil gaarsiinta Xukuumada Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta.

Shirkan oo ka dhashay dadaalo ay sameeyeen Madaxda maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa looga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan xiisada ka taagan Muqdisho.

Hotelka Decale waxaa xiligan shir xasaasi ah oo albaabada u xiran yihiin uga socdaan Ra’isul Wasaare Rooble, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Madaxda maamulada Hireshabelle iyo Galmudug.

Shirkan ayaana looga hadlayaa xiisadihii ugu damnbeeyay gaar ahaan weerarkii musharaxiinta ku qaadeen Ciidamo katirsan dowlada xili Musharaxiinta qaar joogeen Hotelka Maa’ida halka kuwa kalana banaan bax dhigayeen.

Waxaa sidoo kale shirka looga hadlayaa sidii looga baaqsan lahaa banaan baxyo kale oo rabsho iyo khalalaase ka dhaliya magaalada, dhinacyada ayaa is dhaafsanaya aragtiyo kala duwan iyo si xal loo gaari karo.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kamid ah musharaxiinta kuwa ugu saameynta badan ayaan shirka ka socda HHotelka Decale aan ka qeyb galeyn.

Lama oga ilaa hada sababta Kheyre shirkan uga baaqsaday, waxaana wararka ana helnay sheegayaan in Kheyre ka cudur daartay in shirka ka qeyb galo una wakiishay shirkaasi Hogaanka Musharaxiinta .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -