Waxay u muuqata mid faraha ka sii baxeysa Xaaladda ka tagaan magaalada Los Angeles iyo magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka California, waxaana maalintii labaad soconaya isku soo baxyada looga soo horjeedo howlgallada maamulka Trump ay doonayaan in ay ku masaafuriyaan dadka soogalootiga ah ee ku sugan gobolkaas.
Tallaabada Trump ayaa dhalisay in ay boqollaal ruux isugu soo baxaan waddooyinka, si ay uga horyimaadaan howlgallada masaafurinta, kuwaasoo iminka In ka badan 56 qof loo xiray
Trump oo 2,000 oo ka tirsan ciidanka ilaalada qaranka u diray California, ayaa ku sifeeyey xaaladda halkaa ka jirta mid ‘aad u xun, iyadoo la arkay gaadiidka ciidanka iyo kuwa ICE oo ay dadweynaha burburiyeen, taas oo noqotay mid ay aad u hadal hayaan Warbaahinta Caalamka.
Aqalka Cad ayaa qiray in ugu yaraan ay dalka joogaan 11 milyan oo oo qof oo muhaajiriin sharci-darro ah.”
Magaalada Los Angles waa magaallo ballaaran oo ammaan ah oo qof kasta oo soo galooti ah uu soo galo iyadoo la ilalaiyo xuquuqdiisa dadnimo, mid shaqaalle iyo mid sharciyadeedba, iyadoo askariga dowlada ee gobolku aanu qaban karin isla markaasina aanu la shaqeyn karin dowlada Federaalka ah isagon dadweynaha aan iska weeydiin karin dalka ay ka yimaadeen.
Mid ka mid ah tallaabdiisii ugu horreeysay ee uu sameeyay muddo xileedkiisii labaad waxay ahayd inuu joojiyo soo gelitaanka dhammaan muhaajiriinta aan sharciga haysan.
Mas’uuliyiinta ilaalada xuduudaha ayaa loo sheegay in ay dadka ka celiyaan halkaa iyaga oo aan la siin doonin qaabilaad magangalyo.
Trump ayaa sidoo kale si degdeg ah ugu dhaqaaqay in uu ballaariyo musaafurinta degdegga ah ee muhaajiriinta aan sharciga lahayn ee mar hore soo galay waddanka.
Kuwa weli ku sugan Mareykanka, Trump wuxuu ku dhawaaqay qorshooyin lagu diiwaan gelinayo muhaajiriinta aan sharciyeysneyn, isagoo ka digay in qof kasta oo aan saxiixin uu wajihi karo dacwad.
Bishii la soo dhaafay, dawladda Maraykanku waxay sidoo kale u soo bandhigtay muhaajiriinta dalka ku jooga sida sharci darrada ah in la siiyo 1,000 doollar, haddii ay “is-musaafuriyaan” oo ay doortaan inay baxaan.