Sacuudiga oo ku dhawaaqay go’aan hadal heyn badan ka dhaliyey baraha bulshada

Sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday in haweenka dalkaas ay ku biiri karaan ciidamada militeriga, iyadoo tallaabadaas ay hadal heyn ka dhalisay baraha bulshada.

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga ayaa waxay shaacisay xiliga la qaabilayo haweenka iyo ragga doonaya inay kusoo biiraan militeriga Sucuudiga.

Haweenka ayaa laga rabaa iney buuxiyaan Shuruurado si ay ugu biiraan milateriga dalkaas, waxaana ka mid ah iney dhaqan wanaagsan ay leedahay oo aanay wax dambi ah gelin, in caafimaadkeedu wanaagsan yahay, inaysan ahayn marwo uu dhaxda qof aan Sucuudiga u dhalan.

Go’aanka waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay dad badan, kuwaasoo qaar ay sheegayaan inay dan ugu jirto haweenka maadama uu horumarkooda ka shaqeynayo, halka kuwa kalena ay dhaliileen, iyagoo ku andacoonaya iney aheyd in wax laga qabto dhibaatooyin kale oo heysta haweenka ka hor inta aan go’aankan la gaarin.

Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa meesha ka saaray dhowr xayiraad oo haweenka dalkaasi saarnaa, arrimaha ugu weyn ee uu ku tallaabsaday waxaa ka mid in haweenka Sucuudiga loo ogolaado inay baabuurta kaxeyn karaan, iyo iney dhoofi karaan maxram la’aan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -