Yaa kusoo baxaya Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ?

Waxaa goordhaw lagu wadaa in hoolka Shiirkole ee magaalada Dhuusomareeb ka dhacdo doorashadii lawada sugayay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo kuxigeenkiisa .

Inta badan Xildhibaanada Galmudug ee dooranaya Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayaa ku sugan hoolka, waxaa sidoo kale hoolka ku sugan Xildhibaano, Wasiiro, Saraakiil, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Doorashada goordhaw ka dhaceysa magaalada Dhuusomareeb ayaa aad loo saadaalinayaa in ay ku guuleesan doonaan labo Musharax oo saameyn iyo taageerayaal badan ku dhax leh Xildhibaanada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa loo saadaalinayaa in uu kusoo bixi doono Musharax Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), halka Madaxweyne kuxigeenka Galmudugna aad loogu saadaalinayo in uu ku guuleesanayo Musharax Cali Daahir Ciid.

Hadal heynta ugu badan ee hoolka dooarshada ayaana ah in labadan Musharax ay heestaan inta badan kalsoonida Xildhibaanada codadkooda lagu kala bixi doono, waxaana Musharaxiintan sidoo kale la sheegay in ay aad ugu dhaw yihiin dowlada federaalka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Doorashada Kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -