Dowlada oo diyaarisay qorshayaal lagu fashilinayo Banaan baxa ay iclaamiyeen Musharaxiinta

Midowga Musharaxiinta mucaaradka ayaa mar kale iclaamiyay in taalada Daljirka Dahsoon ku qabanayaan banaan bax weyn oo looga soo horjeedo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Musharaxiinta ayaana ugu baaqay taageerayaashooda in ay isugu soo baxaan dibad bax nabdoon oo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo laguna dalbanayo in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Dowlada Soomaaliya ayaana meesha ka saartay baaqa Musharaxiinta, waxaana Wasiirka Amniga mar kale ku celiyay in aan la qaban karin banaan bax nuuca uu doono ha ahaadee sababo la xariira mid amni iyo cudurka faafaya ee Covid-19.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hada bilowday qorshayaal cusub oo mar kale lagu baajinayo banaan baxa mucaaradka qorsheenayaan, waxa ayna Villa Soomaaliya fartay xukuumada iyo laamaha amaanka in ay keenaan qorshayaal lagu fashilinayo banaan baxa.

Sida aan xogta ku helnay laamaha amaanka ayaa diyaariyay qorshayaal dhoor ah oo lagu fashilinayo banaan baxa, waxaana qorshayaashaasi kamid ah in la xiro wadooyinka ay mari lahaayeen dibad baxayaasha sidoo kale Jimcaha bandow magaalada la galiyo.

Laamaha amaanka ayaana dejiyay istaraatiijiyad amaanka lagu sugayo laguna fashilinayo banaan baxa, waxaana qorshaha yahay in gabi ahaan gaadiid dagaal lagu jiro laamiga ka yimaada Aadan Cadde sidoo kale la joojiyo isku socodka .

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa mar kale cabsi ka qaba in rabshado iyo dagaal isku bedelaan hadii uu dhaco banaan bax ,waxaana wali dad badan xasuustaan dagaalkii iyo rabshadihii dhacay habeenkii iyo maalintii jimcaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -