Labo Wariye oo xukun lagu riday kadib markii ay Baahiyeen War Sumcad dil ah

Maxkamada gobolka Saaxil ee maamulka Somaliland ayaa maanta xukun xabsi ah ku riday labo Wariye oo ka howlgala magaalada Berbera ,kuwaa oo lagu eedeeyay baahinta War sumcad dil ah.

Labadan Wariye oo lagu kala magacaabo Axmed Siciid iyo Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maxkmada ku riday midkiiba xukun 7-bilood oo xabsi ah, waxa ayna Maxkamada ku heshay faafinta war sumcad dilis ah oo ka dhan ah maayarka magaalada Berbera.

Wariyaashan xukunka lagu riday ayaa horey ugu eedaysnaayeen faafinta warar been abuur ah iyo kicin dadweyne, hasa ahaatee Maxkamada ayaa sheegtay kaliya in lagu helay dambi ah in ay faafiyeen War sumacd dil ah.

Labadan Wariye ayaa xukunka xabsiga ah ee maanta lagu riday loogu bedelay in ay bixiyaan ganaax lacageyd sida sharcigu yahay, waxa ayna Wariyaashan horey banaanka ugu joogeen qaab damiin ah.

Somaliland ayaa kamid ah meelaha Wariyaasha ka howlgala kala kulmaan caburin iyo xarig, waxaana horey deegaanada Somaliland loogu xiray Wariyaal kala duwan oo dambiyo lagu soo eedeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -