Akhriso: Saddex xaqiiqo oo ay Is-moogeysiinayaan Musharrixiinta Mucaaradka

Inkastoo, midowga musharraxiinta dad aqoon iyo xirfadba leh loo nisbeeyo inay isku bahaysteen, haddana hab-fekerkooda, hab-dhaqankooda iyo damacooda dowladnimo waxaad mooddaa mid ka arradan aqoonta waaqica Soomaaliya iyo Soomaalidaba, waxaase usii dheer, tagtada inaysan ufiirsan timaadadana aysan haabka ku haynin.

Aan halkan idinku caddeeyo saddex tusaale oo muujinaya sida sahmin la’aanta ah wax u suuradeeyaan go’aamana ugu gaaraan.

1)Ugu baaqidda banaan-bax dad aan dowladnimo u bisleen.

Xasan Sheekh ayaa sagaal saac habeennimo ku baaqay in dadka reer Muqdisho guryaha kasoo baxaan Farmaajana lagu banaan-baxo (sidii Madaxweyne Ordogan dadkiisa ku amray inay waddooyinka kusoo daataan habeenkii la af-gabin rabay 2016; taasoo keentay in shacabka Turkida ka hortagaan af-gembiga.)

Nasiib-darrose, Xasan Sheekh baaqiisa cidna dhulka kama qaadin; beddelkeed, ban-bixii uu ku baaqay baraha bulshada masoo dhaafin oo qof weliba halkaas ayuu ka cabiray waxa ay la ahayd iyo waxa uu samayn lahaa.

Wax ka sheeggeeda waxba yaan faraha isaga daalinin’e, Xasan wuxuu shacabka Soomaalida ku khalday kuwa Turkida oo aqoon iyo ilbaxnimo u saaxiib ah waqti dheerna dowlad soo ahaa, halkaasna waxaa ka muuqatay inaan lala socon waaqica Soomaalida.

2)Ugu baaqidda banaan-bax nabadeed, ummad fowdo iyo dagaal kusoo barbaartay.

Taariikhda laguma hayo banaan-bax mab’da ku salaysan oo Soomaalidu dhigtay kaasoo si nabad ku dhacay, beddelkeed dhiig la daadiyo, taayaro la gubo, hanti la burburiyo iyo fowdo la abuuro waxaan ahayn horay looma arag.

Banaan-bax nabadeed waxaa dhigi kara ummad garanaysa qiimaha nabadda, midda hantida qaranka iyo halista nidaam darradu leedahay. Ogaalkay ummad intaa u bisil soomaalida maahan. Waxaad kaloo xisaabta ku darsataa, dadku badankood waxay banaan-baxa ugu qayb qaataan dantooda gaarka ah, dan-guudna maba ahan waxa soomaalida lagu yaqaan.

Haddiiba qadiyadda loo banaanbaxayo tahay mid lagu diidayo shaqsi ama koox gaar ah, haddaba waxaa jira dad ay ahayd in lagu banaan baxo laakin cabsi darteed looga baaqsaday.

3)Kicinta qabiil

Casrigan la joogo horumarka dunida wuxuu ku socdaa si xawaare leh, soomaalidanu qayb ayey ka yihiin. Waxaa si xowli ku socda horumarka xagga nolosha iyo waxbarashada taasoo keentay inay ilbaxnimadu siyaaddo dadkuna nolosha jeclaadaan dagaaladana nacaan.

Suurogal marna maahan xilligan la joogo dhalinyarro wax-baranaysa inay qalinka dhigaan ama mid ganacsanaya mehraddiisa soo xero kadibna qoryo qaataan si ay u difaacaan shaqsiyaad iyaga ku qabiil ah. Waa macquul inay dadku Af kuga ciidameeyaan, laakin waqtigii adinka malahayga waa bil sii dhacaysa, waayo qofna ma rabo inay dunidiisa shuf beesho. Dadka ku fekeraya midddaas iyagana waa kuwo aan waaqica soomaaliya la socon.

Si kastaba ha ahaatee, waloow siyaasaddu aysan sariig lahayn, haddana in la iska indha-tiro waaqica jira waa doqonnimo salleelan.

W/Q Abdinasir Safaana

Email: Safaanahaji@gmail.com

FB:Abdinasir Safaana

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -