Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo laga helay cudurka COVID-19

Wasiirka arrimaha dibeda ee xukuumada Somalia Maxamed C/risaaq Maxamuud oo ku sugan magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ayaa shaaciyey in laga helay cudurka COVID-19.

Maxamed C/risaaq Maxamuud ayaa inuu dalka Burundi u tagay ka qeyb galka shir halkaas ka furmayey oo lagu casuumay DF balse laga helay markii uu halkaas tagay cudurka COVID-19 oo uu xusay inuu kala yimid magaalada Muqdisho.

“Waxaan hadda kaala soo hadlayaa dalka Burundi oo aan u imid shir, maalintii 8-aad waxaan ku jiraa Karantiil Maxaa yeelay waxaa igu soo dhacay oo aan ka soo qaaday Xamar cudurka COVID-19, qiyaas bal inta Soomaali ee Xamar maalmahaan ugu dhintay ama la il daran  Cudurka” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayey warbaahinta DF.

Cudurka COVID-19 oo ku soo labo kacleeyey meelo ka mid ah caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya, waxaana maalin walba la diiwaan geliyaa boqolaa qof oo cudurkam uu soo ritay, halka dad badan oo magac ku lahaa Soomaalida dhexdeeda ay u dhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -