Duqa Magaalada Garowe oo ka hor yimid Mashruuca Madaxweyne Deni ee Yogo day

Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa lagu qabtay saaka munaasabad loogu magac daray maalinta caalamiga ee Yogo Day, taasoo inta badan laga xuso gudaha dalka Hindiya, iyadoo dadka ka qeyb gala ay sameeyaan jimicsi yar yar.

Munaasabadan oo markii ugu horaysay ay ka qayb galeen Madaxwaynaha Puntland iyo Safiirka dalka India u fadhiya Soomaaliya ayaa waxaa ka soo horjeestay duqa degmda Garowe Axmed Siciid Muuse.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in dhaqankan uu yahay mid laga soo minguuriyay wadamo shihseeye, isla markaana Soomaalida ay leedahay diin iyo dhaqan u gaar ah oo lagu yaqaano.

“Soomaalidu waxay leedahay dhaqan, ciyaaro iyo caadooyin suuban oo ciyaalka iyo cirooluhuba ku madadaalan karaan, Balse dhaqamadan cibaadooyinka duqoobey ee soo galootiga salka ku haya ma aha wax ku haboon in la soo minguuriyo. Sidaa awgeed, shacab iyo dawladba waxaan ugu baaqayaa inaan diinteena iyo dhaqankeena wanaagsan ilaashanno” ayuu yiri Duqa degmada Garoowe.

Waa markii ugu horeysay oo munaabada noocaan oo kale ah lagu qabto magaalada Garoowe, waxaana aad maanta laga hadal hayaa baraha Bulshada, iyadoo dadku ay fikrado kaga falceliyeen arintan ugubka ah.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -