Golaha Amaanka ee QM oo digniin culus siiyey dhinacyada Siyaasada Somalia

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada Somalia ayaa Dowladda federaalka iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso ugu baaqay iney si dhakhsi ah iskugu raacaan taariikhda doorashada.

Xubnaha golaha amaanka ayaa ka digay dib u dhac kale oo ku yimaada hanaanka doorashada kaasoo ay sheegeen inuu keeni karo qalalaase Siyaasadeed iyo rabshado cusub.

Ku-simaha Wakiilka Mareykanka ee Qarramada Midoobey Richard Mills ayaa sheegay in ay codsanayaan in si deg deg ah loo xaliyo jahwareerka siyaasadeed ee haatan taagan.

“Rabshadihii siyaasadeed ee todobaadkii hore ka dhacay waddooyinka Muqdisho waa kuwo horseedi kara guul darro siyaasadeed oo meesha ka saari kara Nabada iyo horumarka mudooyinkan ka jiray Somalia” ayuu yiri Richard Mills.

Dhinaca kale, Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaalia James Swan ayaa isna sheegay in xiisadda siyaasadda ee sii cakirmaysa ay halis ku tahay horumarkii laga samaynayey dib u dhiska hannaanka dawladdeed ee Soomaaliya.

Swan waxa uu walaac ka muujiyey iska horimaadka, xeeladaha cadaadiska iyo awood muujinta oo uu sheegay inay halis ku tahay xaaladda waddanka.

Waxa uu sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -