Koob Qaxwo ah oo sabab u noqon gaaray inay soo dhacdo diyaarad rakaab siday

Mid ka mid ah shirkada diyaaraddaha ee gaarka loo leeyahay dalka Hindiya ayaa shaqada ka joojisay labo ka mid ah duuliyeheeda kadib markii lagu eedeeyay in ay qaxwo iyo macmacaan ku dhex cabayeen qolka diyaarada ee duulimaadka laga hago.

Dhacdadan ayaa soo shaac baxday ka dib markii sawir la sheegay in koob afka ka furan oo la dul dhigay koontaroolka diyaaradda SpiceJet uu soo shaac baxay horaantii todobaadkan.

Sawikaasi muujinaya koobka ay Qaxwada ku jirto ee dul saaran koontaroolka diyaaradda ayaa waxaa ka dhashay caro , taasi oo keentay in hay’adaha la socodka duulimaadyada ay digniin siiyaan shirkada iska lahayd diyaaradda.

Shirkadda diyaaradaha ee SpiceJet ayaa Arbacadii sheegtay inay baarayaan arrintan, waxayna su’aalo la waydiinayaa 2 duuliye, oo la sheegay inay sawirka qaadeen, waxaana lagu eedeeyay in waajibaadkooda ay gudan waayeen.

“Tallaabo anshax ah oo ku habboon ayaa laga qaadi doonaa marka la dhammeeyo baaritaanka,” waxaa sidaasi yiri afhayeen u hadlay shirkadda kaasi oo wareysi siinayay wargeyska The Times of India.

Xeerarka duulimaadyada Hindiya waxay u ogolaadaan duuliyayaasha iyo shaqaalaha in ay cunto iyo cabitaan ku dhex haystaan ​​qolka diyaarada laga hago, balse waxaa arrintasi ka yaalla habraac adag.

Tusaale ahaan, koobabka oo dhan waxaa qasab ah inay dabool yeeshaan si aysan ugu daadan gudaha diyaaradda.

Dhacdadan ugu dambeysay ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacday diyaarad ka soo duushay Delhi kuna socotay waqooyi bari ee magaalada Guwahati 8-dii Maarso, oo ah maalinta dabaaldega Hinduuga ee Holi.

Sawirku waxa uu muujinayay koob bun ah oo aan afka ka xirnayn , kaasi oo leh astaanta shirkadda, islamarkana la dhigay meel ka mid ah shukaanta laga wado diyaaradda.

Waxaa uu sidoo kale sawirka muujinayaa 2 ka mid duuliyayasha diyaarada oo waxyaabo macmacaan ah gacanta ku haysta iyada oo aysa wajiyadooda muuqan.

Haddii koobka Qaxwada uu ku daato goobta laga wado diyaaradda ayaa waxaa taasi ka dhalan karta khatar dhanka duulimaadka ah.

Sawirkan oo si wayn u faafay ayaa waxaa uu caro ka dhex dhaliyay baraha bulshada, iyadoo dadku ay ku dhaleeceeyeen duuliyayaasha hab dhaqankooda aan ka fiirsiga lahayn.

“Xitaa dhibic yar yar oo kafeega ka mid ah haddii uu ku daato qalabka elektaroonigga ah, waxay saameyn kartaa nidaamka diyaaradda. Tani waa fal dambiyeed,” ayuu yiri khabiirka duulimaadka Mohan Ranganathan, oo la sheegay in markii hore uu sawirka la wadaagay Twitter.

Talaadadii, maamulaha hay’adda duulimaadyada Hindiya, ayaa sawirkan u diray shirkadda SpiceJet in ay baarto dhacdadani islamarkana ay aoqonsato labada beylood.

In kasta oo laba duuliye shaqada laga joojiyay tan iyo markaas, afhayeen u hadlay SpiceJet ayaa u sheegay wargeyska Hindu newspaper in ay wali isku dayayaan in ay ogaadaan wakhtiga saxda ah ee dhacdadani ay dhacday.

“Ma cadda sawirkan goorta la qaaday , in mar dhaw la qaaday iyo in uu ahaa sawir hore, waxaan baaraynaa faahfaahinno dheeraad ah”. ayaa lagu yiri bayanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -