Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjirihii Talyaaniga u fadhiyey Magaalada Kinshasa oo toogasho lagu dilay

Safiirkii Dowladda Talyaaniga u fadhiyay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo, Luca Attanasio ayaa maanta lagu dilay bariga waddankaasi ee ay colaaduhu la dageen.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Talyaaniga ayaa war kooban oo ay goor dhoweyd soo saartay ku xaqiijisay geerida safiirka.

Sida ay ilo doplomaasi ah xaqiijiyeen Luca Attanasio oo uu fadhigiisu ahaa magaalada Kinshasa ayaa Isniinta maanta ah geeriyooday kaddib markii koox hubeysan ay rasaas ku fureen kolonyo gaadiid ah oo ay laheyd hey’adda WFP, xilligaas oo uu safiirku booqanayay meel ku dhow magaalada Goma oo ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Congo.

Diblomaasi sare oo ku sugan Kinshasa ayaa wakaaladda wararka AFP u xaqiijiyay in Danjire Luca Attanasio uu u geeriyooday dhaawac weerarkaas kasoo gaaray.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa iyaduna sheegtay in Safiika Talyaaniga ee waddanka Jamhuuriyadda Dimuquraaddiga Congo uu la geeriyooday saraakaal ka tirsan ciidamada oo wehlinayay.

Sidoo kale afhayeen u hadlay ciidamada ku sugan gobolka waqooyiga Kifo, Gayuum Dike ayaa isla wakaaladda u sheegay in weerarkaasi ay ku nafwaayeen laba diblomaasi oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo lagu aasay degaano ka tirsan Sh/hoose oo la fashiliyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Imaaraatka oo Go’aan kasoo saartay Ciidamadii ay Soomaaliya u tababarayeen

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay in Duqeyn lagu dilay mid kamid ah Salaadiinta Beesha Habar Gidir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---