Al Shabaab oo shaacisay in Duqeyn lagu dilay mid kamid ah Salaadiinta Beesha Habar Gidir

Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo loo maleenayo in ay leedahay Dowlada Mareykanka ayaa maanta duqeyn ka geesatay Deegaan ku dhaw Degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose.

Warbaahinta taageera Al Shabaab ayaa baahiyay in duqeyntan lagu dilay Suldaan Max’med Cabaas oo la sheegay in uu ahaa Suldaankii guud ee beesha Habar Gidir ee gobolada  Jubbooyinka .

Al Shabaab ma shaacin khasaaro kale oo ka dhashay duqeyntan maanta ka dhacay dukeedka degmada Jamaame marka laga reebo in uu ku geeriyooday Suldaan Maxamed Rashiid oo kamid ahaa Odayaasha taageera Al Shababa.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM iyo dowlada federaalka Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin duqeyntan saakay ka dhacday Jamaame, mana jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay duqeyntan.

Diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay la beegsanayaan deegaanada Al Shabaab maamulaan, waxaana xalay duqeyn ka dhacday degmada Teyeglow ee gobolka Bakool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -