Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa xalay guryahooda ku booqday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Booqashada kadib ayaa Madaxweynaha Galmudug kulamo gaar gaar ah la qaatay labada Madaxweyne uu u tagay, waxa uuna kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan rabshadihii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxdan kulantay ayaa laga soo xigtay in si gaar ah uga wada hadleen rabshadihii ka dhacay Muqdisho gaar ahaan weerarkii lagu qaaday Hotelkii ay degnaayeen labada Madaxweyne iyo weerarkii kale ee lagu qaaday Musharaxiinta.

Madaxweynaha Galmudug ayaa u sheegay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh in uu ka xun yahay waxii dhacay, waxa uuna sheegay in uu kala hadli doono Madaxda dowlada Soomaaliya gaar ahaan Farmaajo iyo Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Toogasho dhimasho & dhaawac sababtay oo ka dhacday Maraykanka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Siyaasiyad Mucaarad ah oo kufsi iyo dil la isugu daray & argagax ka dhashay

Cabdi Cade

Wax ka ogow qorsha cusub ee bixitaanka AMISOM ee loo gudbiyay Golaha Ammaanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---