Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Toogasho dhimasho & dhaawac sababtay oo ka dhacday Maraykanka (Daawo Sawirro)

Toddobo askari oo ka tirsan booliska  Maraykanka ayaa la toogtay, mid ka mid ah ayaana aad u dhaawacmay, arrintaasi waxay ka dhacay South Carolina, sida ay masuuliyiin sheegeen.

Booliiska magaalada Florence ayaa ka jawaabayay codsi caawimaad ah oo laga soo dalbaday.

Nin hubaysan oo carruur afduubtay ayay askarta is hor fadhiyeen labo saacadood, ka hor intii uusan is dhiibin ee aan loo qaadin isbitaal, Magaciisa lama shaacinin, lamana oga ujeedadiisa.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Twitterka ku soo qoray toogashadaas, isaga oo soo xiganaya badhasaabka South Carolina Henry McMaster.

In kabadan 15,000 oo ruux oo Maraykanka ku noolaa ayaa lagu dilay hub sannadkii 2017kii, sida ay muujinayso diiwaanka barta daba gasha rabashadaha hubka ee Gun Violence Archive.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo Warbixin laga siiyay sida loo qabanayo Doorashada Golaha Shacabka (Sawiro)

Cabdi Cade

Ciidamada Dowladda oo dilay Sargaal katirsan Al Shabaab hubna la wareegay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamadda sare ee Kenya oo qaadaysa tallaabo yaab leh oo la xiriirta kiiska Badda

admin
Taboola Ads ---