Saciid Ciise: “Kama dhici karto Somalia doorasho uu ku lug leeyahay gacan ku dhiigle”

Hogaamiyaha xisbiga Dadka Mudane Saciid Ciise Maxamuud, kana mid ah musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha dalka ayaa sheegay ineysan suuragal aheyn in Soomaaliya ka dhacdo doorasho uu ku lug leeyahay madaxweyne xiligiisu dhamaaday oo noqday dembiile dagaal.

Musharax Saciid Maxamuud ayaa intaas ku daray in Dhiigii laga daadiyey shacabka u halgamayey muujinta xuquuqdooda xoriyadeed uu ceeb ku noqday karaamada dadnimo ee raisul wasaare Rooble iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mursal.

Hoos ka akhriso qoraal uu Musharax Saciid Ciise ku baahiyey baraha bulshada..

Waxaan suurtogal ahayn in Somaliya ay ka dhacdo doorasho uu hogaankeeda leeyahay madaxweyne uu dhamaaday xilkiisu, sidoo kale waxaan la aqbali karin in doorasho lala galo musharax soo noqday madaxweyne hore oo noqday dembiile dagaal.

Waxaan sinaba u dhaceyn in saraakiisha sare ee amniga iyo sirdoonka qaranka ay xilalkooda sii wataan iyagoo qeyb ka ahaa abaabulkii dhiigu ku daatay ee looga soo horjeedey mudaharaadkii ay shacabka rayidka ah ku cabirayeen dareenkooda iyo rabitaankooda, sidoo kalana aysan jirin cid kalsooni ku qabta iney sugaan amniga doorashada.

Dhiigii laga daadiyey shacabka u halgamayey muujinta xuquuqdooda xoriyadeed wuxuu ceeb ma dhamaato ah ku noqday karaamada dadnimo ee raisul wasaaraha Mudane Rooble iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mursal oo ay ahayd in sharafkooda iyo awooda xilalkooda uusan madaxweynaha xilku ka dhamaadey gaboodfal uusan dushooda uga fulsan iyagoon ka ag dheereyn.

Beesha caalamka cidna ka yeeli mayso nabadeyn munaafaqeysan oo ah in la iska hilmaamo wixii dhacay oo miiska wada hadalka lagu sii wado heshiis qabsoomida doorashada looga gaaro. Runtii qabsoomida doorashada waxaa ka soo hormaray dhacdo aan sahlaneyn xal u helideeda, taas oo ka miisaan culus qabsoomida doorashada. Marka hore dhiiga daatay iyo tacadiyada uu ku kacay madaxweynaha xilkiisu dhamaaday waa in meel la saaro xal u helida eedeymaheeda iyo ciqaabteedaba.

Gaboodfalkii uu geystey madaxweynaha uu dhamaadey xilkiisu waa mid aan ka fursaneyn in jawaab ku haboon laga bixiyo wejiga labaad oo ay yeelaneyso ka falcelinta waxyeeladii ka dhalatay gaboodfalkii dhacay. U maleyn mayo xal siyaasadeed oo qurux badan inuu daawo u noqon karo xalinta tacadiyada la geystey, waxaana la hureyn waa wixii looga bartay in la isaga celiyo kelitalis.

Saciid Ciise Maxamuud 
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed, ahna
Musharax u taagan doorashada Madaxweynaha

- Advertisement -