Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad badan oo looga shakisan yahay Qaraxii Kampala oo la xir xiray iyo howlgalo socda

Ciidamada amaanka dalka Uganda gaar ahaan kuwa kahor taga waxa loogu yeero argagaxisada ayaa xabsiga dhigay dad badan oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen qarax dhawaan ka dhacay magaalada Kampala.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka dalka Uganda ayaa lagu xir xiray 48-qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen qarax ka dhacay maqaayad kutaala Kampala , waxaana qaraxaasi ku dhintay hal qof halka tiro kalana ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musevani ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxa ka dhacay magaalada Kampala, waxa uuna Madaxweynaha weerarkaasi ku tilmaamay mid argagaxiso.

Qaraxa ka dhacay magaalada Kampala waxaa horey masuuliyadiisa u sheegatay kooxda Daacish, waxaana ciidamada amaanka Uganda adkeeyeen amaanka goobaha muhiimka ah iyaga oo sidoo kale wada howlgalo dad lagu xir xirayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Musharax Cabdikariin Guuleed oo ka hadlay Talaabadii uu qaaday Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Duuliyaal Diyaaradeed oo dagaalamay diyaarada oo hawada ku jirta oo shaqada laga joojiyay

Cabdi Cade

DFS oo ka mahadcelisay ansixinta mashruuc ay ku baxeyso 100 Milyan oo dollar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---