Maxaa ka soo baxay kulan caawa dhexmaray Musharaxiinta & ergo ka socotay RW Rooble?

Waxaa goor dhow oo saqdii dhexe ah soo gebageboobay kulan xasaasi ah oo hotelka Naasa hablood 2 ku yeesheen xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta iyo Ergo uu soo diray Ra’iisul Wasaaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Waxbarashada Somalia C/llaahi Carab iyo Senator Cabdi Qeybdiid ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka waday codsi ku aadan in bannaan baxa berri la joojiyo, isla markaana uu la kulmayo wixii tabasho ah ee ay qabaan uu xallin doono.

Ilo ku dhow dhow Musharaxiinta ayaa sheegaya in la diiday codsiga ay wadeen xubnahan ergada ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha, laguna wargeliyay in bannaanbaxa uu berri dhici doono, dowladduna ay ogolaato in si nabad ku dhaco oo ay joojiso caburinta ay wado.

Xubnahan ayaa ka laabtay iyagoo fara maran Hotelka Maa’ida (Ex Naasahablood-2) oo habeenkii labaad ay degan yihiin Madaxweynayaashii hore ee dalka oo halkaas ka wada qaban-qaabada beri ka djacaya taalada Daljirka Dahsoon.

Dhinaca kale, Odayaal dhaqameedyo uu ka mid ahaa Imaamka beesha Mudulood oo dhax-dhaxaadin ka dhax-waday DF iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Somalia oo war cusub kasoo saaray Banaanbaxa iyo Kulamadii labada dhinac ay la yeesheen

Garaad Xuseen Garaad Maxamuud Garaad Cageey ayaa sheegay in labada dhinac ay ka heleen in wax dhibaato ah aysan ka dhici doonin Muqdisho, uuna banaanbaxu ku dhamaan doono si nabadgelyo ah, wuxuuna shacabka ka codsaday iney degenaansho muujiyaan.

Dhinaca kale waxaa caawa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka jiraa qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo dowladdu soo saartay ciidamo fara badan oo la dhigay jidad dhowr ah, sidoo kale Musharaxiinta Ciidankooda ayaa iyana ku sugan Daljirka Dahsoon, Hotelka Maa’ida iyo nawaaxigiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
   

- Advertisement -