Wasiirka A/dibeda Kenya oo si jees jees ah uga hadashay Masuuliyiintii laga soo celiyey Nairobi

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa si oo jeesjees ku jiro uga jawaabtay su’aal ku saabsaneyd mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia oo laga celiyey Kenya, kadib markii loo diiday Visa-ha Kenya oo markii hore garoonka lagu siin jiray.

Iyadoo ka hadleysay shir jaraa’id ayey sheegtay Monica Juma in arrintaasi wax lala yaabo ay tahay, iyaduna la yaabtay markii ay maqashay in fiiso la’aan la safrayo.

“Dhammaanteen waxaan safarnaa anagoo fiiso wadana, sidaas darteed haddii aad fiiso la’aan safreyso aad ayey u dhib badan tahay inaad gasho dalka aad u socoto, ma hayo faahfaahin laakiin aad ayaan aniga ula yaabay..” ayey tiri Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Jumca oo ka hadleysay magaalada Nairobi.

Wasiirada ayaa iska indha tirtay heshiiskii dowladaha Somalia iyo Kenya ee ku saabsanaa in mas’uuliyiinta dowladda Somalia ay fiisaha ku qaataan garoomada Kenya, iyadoo weliba Kenya ay dalal badan sidaasi ula dhaqanto.

dhinaca kale Masuuliyiinta Waaxda socdaalka dalka Kenya ayaa ka hadlay sababta ay fiisaha dalkooda ugu diideen masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo saaka loogu soo celiyey Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka ayaa sheegay in xubnaha dowladda Soomaaliya ay aheyd iney Viisaha dal ku galka kaga soo dhufsadaan Safaarada Kenya ku leedahay Magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

“Dowladda Soomaaliya waan ku wargalinay inuu dhacay is bedel cusub oo dhinaca socdaalka ah, taasoo keentay in xubnaha dowladda Soomaaliya la faro inay dib ugu laabtaan Muqdisho, ayna tagaan Safaarada Kenya ee magaalada Muqdisho” ayuu yiri sarkaalkan oo magaciisa qariyey lana hadlay wargeyska Daily Naiton.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -