Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo ka hadashay Colaadaha iyo beegsiga ka bilowday qeybo kamid ah dalka

Qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, waxaa xilligan ka socda colaado salka ku haya qabiil iyo beegsi, waxaana sii kordhaya falalka naceybka iyo qabyaalada ku dhisan ay isku leynayaan qaar kamid ah qabiilada Soomaaliyeed ee wada dega.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya , ayey ku sheegtay in ay ka xun tahay colaadaha iyo beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka ee ka soo cusboonaaday qaar kamid ah gobolada dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaana ku baaqday in la joojiyo colaadaha beegsiga ku saleysan iyo dagaalka qabiileysan, waxa ayna odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay u istaagaan joojinta colaadaha dalka kasoo cusboonaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo daahfuray dhaqan galka heshiiska Somalia & Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

14 arrin oo lid ku ah tanaasulka uu sheegtay Farmaajo & Rooble oo lagu wareejiyey..

Caydiid Ali

(Sawirro) Tuugo yaab leh oo ka dilaacday gobol ka tirsan dalka Koonfur Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---