Booliis Waardiyeenaya Musqulaha dalka Turmenistan iyo Sabab layaab leh oo keentay

Ciidamo katirsan booliiska dalka Turmenistan ayaa loo xil saaray in waardiye ka noqdaan musqulaha dadka shacabka ah ay adeegsadaan iyo sidoo kale goobaha lagu daadiyo qashinka.

Dowlada Turmenistan ayaa shacabka dalkaasi ku qasabtay in ay iibsadaan Wargeysyada dowlada, waxa ayna shacabka oon badankood jecleysan in ay iibsadaan Wargeysyadaasi bilaabeen in Wargeysyada marka ay soo iibsadaan kadib isaga tiraan Saxarada.

Wargeysyada kasoo baxa dalka Turmenistan ee isugu jira kuwa dowlada iyo kuwa Madaxa banaan ayaa mid kasta oo kamid ah waxaa ku xardhan sawirka Madaxweynaha dalkaasi Gurbanguly Berdimuhanmedov.

Ciidamo booliis ah ayaa waardiyo ka haya Musqulaha shacabka waxa ayna booliiska sheegeen cidii lagu arko iyada oo si aan wanaagsaneyn u adeegsaneysa Wargeysyada la ciqaabi doono.

Waxa ay sidoo kale ciidamada booliiska baarayaan goobaha qashin qubka, halkaas oo haddii laga helo wargeys uu ku yaalo sawirka madaxweynaha qofka keenay qashinkaas la qabsan doono.

Dalka Turmenistan oo dadkiisu u badan yihiin Faqri ayaa marka laga soo tago Wargeysyada iibsigooda lagu qasbay waxa aysan awoodin Tiishka ama Warqadaha loo isticmaalo suuliga , waxa ayna arintan keentay in dadka Warqadaha Wargeysyada suuliga u adeegsadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -