Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo xariga ka jaray telefishinka cusub ee Maamulka Hirshabelle (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta xariga ka jaray TV-ga cusub ee Hirshabeelle kadib munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar.

Munaasabada xariga looga  jarayay Tv-ga Madaxweynaha waxaa ku wehliyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dr. Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Gudoomiye Ku Xigeenkiisa 2aad Mudane Mahad Xasan Cusmaan waxaana sidoo kale ka qeybgalay Wasiiro Xildhibaano Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Qaar kamid ah Bulshada Bulshada Caasimada.

Madaxweynaha ayaa ku soo wareegay Xafiisyada iyo iyo qeybaha kala duwan ee uu Tv-ga ka kooban yahay, isagoo ugu baaqay howlwadeenada TV-ga iney la yimaadaan shaqo hufan bushadana ugu adeegaan daacadnimo.

Hishabelle ayaa noqonaya dowlad goboleedkii ugu dambeeyey ee yeesha telefishin, waxaana horey telefishino ku hadla codkooda u sameystay dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/AqDnGHaxxKs

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo soo saaray Warqad kusocota Madaxda Maamul Goboleedyada (Akhriso)

Cabdi Cade

Magacyada Masuuliyiinta la geeriyootay Madaxweynaha dalka Iran oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay, ka dib meydkeeda ku qariyey qaanad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---