Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo kulan Sagootin ah la qaatay Ben Fender (Daawo Sawirada)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaliya Mudane, Ben Fender, oo  mudo xileedkiisu dhamaaday.

Rooble iyo Safiirka ayaa kulankan sagootinta ah intii uu socday ka wada hadlay xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriiirkan soo jireenk ah ee ka dhaxeeya labda dal.

Safiirka Ingiriiska u joogay Soomaaliya  Ben Fender ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka iyo sida loogu fududeeyay inuu guto howlihiisa, waxa uuna sheegay in dowlada hada jirta ay qabatay shaqo wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey safiirka kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo u rajeeyey safiirka mustaqabl wanaasgan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Somalia oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Muqdisho Stadium & Farmaajo oo booqday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo ATMIS kala wareegtay xero weyn oo kutaalla Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu dambeeyay Dagaal khasaaro geestay oo ka socda Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---