Siyaasiga Caanka ah Maxamed Yuusuf Xaaji oo ku geeriyooday magaalada Nairobi

Waxaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ku geeriyooday Senatar Maxamed Yuusuf Xaaji oo ahaa 80-sano jir katirsanaa aqalka sare ee Baarlamaanka dalka Kenya kana mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan uguna saameynta badnaa Soomaalida Kenya.

Maxamed Yuusuf Xaaji oo soo noqday Wasiirkii Difaacada dalka Kenya ayaa la sheegay in mudo shan bilood ah uu xanuunsanayay, waxa uuna ugu dambeyn u geeriyooday xanuunkii hayay sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Aadan Barre Ducaale.

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso marxuumka qabuuraha  Musliminta ee Langata, waxaana aaska la filayaa in ay kasoo qeytb galaan dad badan ay ku jiraan masuuliyiin sar sare oo katirsan dowlada Kenya.

Ilaah ha u naxariistee Maxamed Yuusuf ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada Kenya,  waxa uuna mudooyinkii dambe hogaaminayay guddi loo xil saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badel la doonayay in lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -