Xildh. Odowaa: “Farmaajo waxay shaqadiisii ku dhamaatay inuu difaac ka galo Isgoyska Dabka”

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ka tirsan golaha shacabka Somalia ayaa ka hadlay dhagxaan xalay lagu xiray qeyb ka mid isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Odowaa ayaa dhagxaantaas eedeeyey inuu amray Madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Markii ciidamadii dhan aad Gedo isugu gayso Xamarna aad isgoyska Dabka difaac ka gasho waa sidaan oo kale. Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday waxaan ka codsanaynaa inuusan nolosha dadka ku cadaabin, si fududna Villada isaga banneeyo maadaama shaqadiisii afar sano ay meeshaas ku soo dhamaatay” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo farriin u diray Farmaajo.

Isgoyska Dabka oo shalay uu xoog ku jiiray Gaari miineysan ku qarxay meel ku dhow Isgoyska Sayidka ayaa xalay lagu xiray dhagxaan waaweyn oo sababay inay isu gudbi waayeen gaadiidka isaga goosha labada dhinac ee jidka Maka Almukarama taasoo qeylo-dhaan badan laga muujiyey.

Hase ahaatee Raisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar ku bixiyey maanta in la qaado dhaqxaantaas, taasoo si weyn loo soo dhoweeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -