Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Xukun dil ah oo lagu riday ragii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa Hablood

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa saakay xukun dil ah ku riday sadex nin oo loo heestay in ay ka dambeeyeen weerar dad badan lagu dilay oo lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Maxkamada ayaa soo gabo gabeeysay dhageysiga dacwada loo heestay eedeesanayaashan oo kala ahaa Farxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule, waxaan ragan lasoo qabtay iyaga oo hubeesan oo weerar geesanaya.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ragan lagu helay dacwadihii lagu soo oogay, waxa uuna shaaciyay in Maxkamada ku riday xukun dil ah.

Waxa uu sheegay Shuute in ragan la xukumay ka qeyb qaateen weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood 2 taariikhdu markey aheyd 28-October 2017, waxa uuna xusay in weerarkaasi lagu dilay 18-ruux sidoo kale lagu dhaawacay 43-qof oo kale.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa horey xukuno dil ah sidan oo kale ugu riday xubno lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen Al Shabaab kana dambeeyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo magaalooyin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne amar ku bixiyay in la toogto dadka diida xayiraada Caronavirus !!

Cabdi Cade

RW Rooble & wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Abu Dhabi (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Si dhib badan oo gar gaar lagu gaarsiinayo Qoysas uu saameeyay Fatahaada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---