Dacwad ka dhan ah Sergio Ramos oo la gudbiyay iyo Magdhaw badan oo laga dalbaday

Kadib finalkii UEFA Champions League laba arimood ayaa noqday waxa ugu hadal haynta badan ee ka hadhay kulankii Kiev, waxayna kala yihiin qaladaadkii goolhaye Loris Karius uu sameeyay  iyo eedaynta Sergio Ramos loo soo jeedinayo in uu si ulakac ah u dhaawacay Mohamed Salah, waxayna wali u muuqdaan in ay yihiin kuwo sii socon kara gaar ahaan dhacdadii Ramos iyo Salah.

Garyaqaan u dhashay dalka Masar ayaa shaaciyay in uu dacwad u gudbiyay xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA taas oo uu ku cadeeyay in uu dalbaday in Sergio Ramos lagu ciqaabo in uu si kutalogal ah ama badheedh ah uu Mohamed Salah u dhaawacay.

Garyaqaankan ayaa sidoo kale dalbaday in kabtanka Real Madrid uu bixiyo lacag magdhaw ah oo gaadhaysa 1 Bilyan oo euros maadaama oo uu Mohamed Salah iyo 99 milyan oo dadka Masar ah uu soo gaadhsiiyay dhaawc jidh ahaaneed iyo maskax ahaaneed sida ay u kala horeeyaan.

Garyaqaanka dacwadan soo oogay oo magiciisa la yidhaa  Bassem Wahba ayaa waraysi uu siiyay TV-ga Sada El-Balad, waxa uu ku xaqiijiyay dacwadan isaga oo waliba ka hadlay in FIFA ay ciqaab ku soo rogto xidiga ree Spain ee Ramos.

Garyaqaanka reer Masar ee Bassem Wahba oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Ramos si badheedh ah ayuu u dhaawcay Mohamed Salah, waxaana waajib ah in falkan lagu ciqaabo, dacwad sharci ayaan ka gudbiyay waxaanan uga dacwooday FIFA”.

Bassem Wahba oo waxa uu dalbanayo ka hadlaya iyo sababta ayaa yidhi: “Waxaan doonayaa in aan magdhow dalbadao oo ah dhibaato jidh ahaaneed iyo maskax ahaaneed oo uu sababay Ramos”. Dhinaca kale codsi lagu doonayo in FIFA iyo UEFA ay talaabo ka qaadaan Ramos ayaa 300,000 kun oo qof sare u dhaafay iyada oo la doonayo in la gaadhsiiyo 500,000 kun.

Garyaqaan Bassem Wahba ayaa doonaya in Sergio Ramos lagu ciqaabo dhaawaca uu Mohamed Salah u gaystay laakiin sidoo kale waxa uu doonayaa in ganaax lacageed lagu saaro in uu maskax ahaan u dhaawacay malaayiinta dalkiisa Masar ee Salah ku taageerayay finalkii Champions League isaga oo waliba doonaya in maxkamadan la soo taago xidiga ree Spain ee Ramos.

Waxa kale oo soo baxaya warar sheegaya in UEFA ay dib eegis ku samayn doonto muuqaalka dhacdadii uu Sergio Ramos ku dhaawacay Mohamed Salah iyada oo aan wali la ogayn haddii ay wax talaabo ah qaadi karaan.

W/Q  Mohamoud Batalaale 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -