Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay magaalada Nairobi (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa gaaray si heer sare ahna loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo hogaaminayo ayaa waxaa kamid ah Wasiir iyo Saraakiil ciidanka dowlada katirsan , waxaana wafdigan kulamo la qaadan doonaan Madax katirsan Dowlada Kenya.

Safarka Madaxweyne Farmaajo oo qaadan doona hal maalin ayaa lagu wadaa in kulan gaar ah la qaato Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenaytta, waxaana la filayaa in labada Madaxweyne kawada hadlaan arimo dhowr ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marar kala duwan safaro kala duwan ku tagay dalka Kenya, waxaana hada muuqanaya in uu soo wanaagsanaanayo xiriirka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -