Dowlada Soomaaliya oo si adag uga hor timid codsiga Kenya u gudbisay Maxkamada ICJ

Dowlada Kenya ayaa markii afaraad maxkamada caalamiga ee ICJ u gudbisay codsi ay ku dooneyso in dib loogu dhigo dhageysiga dacwada badda ee kala dhaxeeysa Dowlada Soomaaliya oo loo balansanaa 15-ka bisha soo socora ee March.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Kenya mar kale u gudbisay Maxkamadda ICJ in dib loo dhigo kiiska badda  iyaga oo abuuraya mar marsiiyo been ah.

Waxa uu sheegay Dubbe in Dowladda Soomaaliya aysan aqbaleyn in mar kale dib loo dhigo dhageysiga dacwada badda ee kala dhaxeeya Kenya, waxa uuna cadeeyay in Soomaaliya diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dacwadda badda oo marar badan dib loo dhigay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Kenya ay dhowr jeer kiiska Badda codsatay in dib loo dhigo, waxaana uu ku eedeeyay in aysan dooneyn in kiiskaas la qaado ayna dooneyn inay cadaaladda hortagaan iyaga oo mar marsiiyo mar waliba abuurayaan.

Sidoo kale Wasiirka waxa uu sheegay in Kenya si ay mar marsiiyo ugu hesho ay dhamaan shaqadii ka ceyrisay qareenadii u doodayay, waxaana uu markale ku celiyay in Dowladda  Soomaaliya uu go’ankeedu yahay in kiiskaasi la qaado waqtigii Maxkamadda iclaamisay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe waxaa uu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida  inay hal meel uga soo wada jeestaan cadowga Soomaaliya una diyaar garoobaan difaaca dalka

Maxkamadda caalamiga ee ICJ  ayaa sadex mar oo hore dib u dhigtay dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya kadib markii Xukuumada Nairobi ka codsatay in dib loo dhigo iyaga oo rajo ka qaba in wadahadal lagu dhameeyo muranka badda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -