Maxkamada Hiiraan oo xabsiga kasii deysay dad si sharci daro ugu xirnaa Hirshabelle (Magacyada)

Maxkamada gobolka Hiiraan ayaa maanta xabsi kuyaala magaalada Baladweyne kasii deysay todobo qof oo isugu jira rag iyo dumar mudo isbuucyo ah u xirnaa in ay kasoo horjeedaan maamulka cusub ee Hirshabelle.

Dadkan maxkamada xabsiga kasii deysay ayaa siyaabo kala duwan looga xir xiray  Baladweyne, waxaana dadkan intii ay xirnaayeen aan la horgeyn maxkamad balse si sharci daro ah xabsiyo loogu hayay.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Taakooy ayaa go’aanka maxkamadda ku dhawaaqay, waxuuna carabka ku dhuftay in dadkaasi aysan dhameestirneyn eedda loo heestay isla markaana  waafaqsaneyn heerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo heerka garsoorka, Qodobka 122aad  dambi la’aanta, sidaas daraadeedna  xeerka ciqaabta inay maxkamadda dadkaasi kusii deeysay.

Dadkan xabsiga laga sii daayay oo ku jirto gabar la dhalatay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Waare ayaa laamaha amaanka ku eedeeyeen in ay kasoo horjeedaan maamulka Hirshabelle sidii kale ku howlanayaan abuuritaanka rabshado iyo kicin dadweyne .

Halkan ka Akhriso Magacyada dadka la sii daayay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -