Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Golaha Wakiillada Puntland saakay u gudbiyay Soo saarista Lifaaqa…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Garawe kaga dhawaaqay go’aan taariikhi ah uu kaga laabtay qorshihii uu ku doonayay in Puntland laga dhacdo doorashp qof iyo Cod ah.

Siciid Deni oo culeesyo badan la kulmay ayaa ugu dambeyn aqbalay in Puntland ka dhacdo doorashada xilligeedii oo ah 8-da bisha Janaayo ayna soo doortaan madaxweynaha golaha wakiillada Puntland oo ka kooban 66-xildhibaan.

Wareegto uu goordhaw madaxweynaha Puntland soosaaray ayuuna golaha Wakiillada Puntland ugu gudbiyay soo saarista lifaaqa 5-aad ee Dastuurka dowlad goboleedka Puntland , kaddib markii uu ka laabtay doorashadii qof iyo cod.

Halkan ka aqriso xeerka madaxweyne Deni u gudbiyay golaha Wakiillada.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA PUNTLAND MUDANE SICIID CABDULLAAHI DENI OO U GUDBIYEY GOLAHA WAKIILLADA DPL SOO SAARSAARISTA LIFAAQA 5-AAD EE DASTUURKA DPL.

Xeer Madaxweyne Lr 121 ee December 02 2004 iyo xeer Madaxweyne Lr 112 ee November 09 2008, xeer Madaxweyne 153 November 2013 iyo Xeer Madaxweyne Lr 189. November 2018, oo dhamaantood ku saabsanaayeen soo xulida Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Markuu Garowsaday: caqabadaha ku xeeran qabsoomida Doorashada hal qof iyo hal cod si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 44-aad.

Markuu tixgaliyey: talooyinka ku aadan in Doorashadu dhacdo wakhtigeeda.

Waxuu go’aamiyey: in dib loogu noqdo nidaamkii Doorashadu ku dhici jirtay ee hore.

“Hadaba Mudane Guddoomiye waxaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ka codsanayaa in ay soo saaraan lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida Doorashada”.

Wada shaqayn wacan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxda Al Shabaab oo Shaacisay in xildhibaan hore ku dileen magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Soomaaliya oo Heshay Agabka Lagu Baaro Caabuqa halista badan ee COVID-19

Cabdi Cade

Siyaasi Caan ah oo ka carooday kana felceliyay Talaabo uu qaaday Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade