Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo howlgal lagu qabtay (Sawirro)

Ciidamada PSF iyo kuwa PMPF ee maamulka Puntland ayaa si wadajir ah hawlgal uga fuliyey degaanada Muguc iyo Ceel Onkod oo ka tirsan buuraha Cal Madow oo ka tirsan gobolka Bari.

Hawlgalkan ayuu ujeedkiisu  ahaa sidii loo afjari lahaa  xubno ka tirsan Al Shabaab oo miinooyin iyo qaraxyo ku aasa wadada isku xirta Sugure, Balikhadar iyo Galgala sida ay sheegeen saraakiisha hogaaminaysay.

“Hawlgalkan oo si guul leh ugu soo dhamaaday ciidamada ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qabtay xubno lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al Shabaab” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidamada PSF.

“Ciidamada difaaca Puntland way sii wadi doonaan gulufkooda ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah si Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba ay u noqdaan nabad iyo waddan ka caaggan falalka argagixisanimo” ayaa sidoo kale lagu soo gebagebeeyey qoraalkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo goor dhow ku geeriyooday Nairobi

Caydiid Ali

Ciidamada AMISOM oo baaray hoolka lagu qabanayo Doorashada ee Jowhar (Sawirro)

Cabdi Cade

Saciid Deni: “Mad-madowgii DF iyo dowlad goboleedyada meesha waa ka baxay”

admin
Taboola Ads ---