Golaha Amaanka ee QM oo kulan deg deg ah ka yeelanaya Siyaasada cakiran ee Somalia

Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka AFP oo soo xigatay ilo wareedyo diblomaasiyadeed Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu maanta kulan ka yeesho xiisada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ay ku dhawaaqeen “in madaxweynaha uu si sharci darro ah xilka ku hayo”.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Isniintii wajahay xasarad dhinaca hoggaanka ah kaddib markii uu ka dhammaaday waqtigii xilka loogu talo galay ee afarta sano aheyd iyadoo aanu jirin heshiis laga gaaray doorashada.

Shir ay albaabbada u xiran yihiin oo ay Golaha Amaanka maanta ka yeelanayaan arrinta Soomaaliya waxaa codsaday dowladda Britain oo bishan hoggaamineysa Golaha, sida ay ilo wareedyadu sheegeen.

Beesha caalamka iyo shacabka Soomaalida ayaa ka walaacsan in xiisadan siyaasadeed ay qalalaase iyo xasilooni daro ka abuurto Somalia oo hadda ka soo kabaneysa burburkii dagaalada ahliga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -