Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynihii Maxkamadda ICJ Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo la bedelay

Madaxweyne cusub ayaa loo magacaabay Maxkamadda Caalamiga ah (ICJ) kaasoo bedelaya Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo ka soo jeeda Soomaaliya, kaasoo la sheegay inuu dhameystay muddo xileedkiisii saddexda sano ahaa.

Joan E. Donoghue oo ah haweeney ka soo jeeda dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay Madaxweynaha cusub ee Maxkamada ICJ, halka Kirill Gevorgian oo u dhashay Ruushka isna loo doortay Madaxweyne ku-xigeen,

Madaxdan cusub ayaa xilla hayn doona min saddex sano, waxayna arrintani ku soo aadeysaa xili Maxkamadda caalamiga ah ee Garsoorka ICJ ayaa bisha soo socota ee Maarso waxay qaadaysaa dacwadda dowladda Federaalka Somalia ka gudbisay sheegashada Kenya qeyb ka mid ah xad badeedka Soomaaliya.

Dacwadan ayaa dhowr mar dib loo dhigay kadib markii Kenya oo ka baqeysa in looga guuleysto ay dalbatay dib u dhigista.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan sharafeed loo sameeyay Edna Aadan oo Abaal-marin Caalami ah kusoo guuleesatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dal Yurub kuyaala oo lagu soo baarayo Sababtii keentay Bur burka Diyaaradii Itoobiya

Cabdi Cade

Markabka Oruc Reis oo Natiijo hordhac ah ka soo diray xeebaha Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---