Allbanaadir.com
NEWS

Markabka Oruc Reis oo Natiijo hordhac ah ka soo diray xeebaha Somalia

Warbaahinta Turkiga ayaa warbixin hordhac ah ka qoray baaritaanka Markabkoodu ka samaynayo biyaha Soomaaliya oo dhowaan uu ka howlgalay

Wargeyska Turkish Century ayaa sheegaya in muddo yar ka dib wadanka Soomaaliya waxa uu ka mid noqon karo 10 wadan ee ugu sareeya caalamka wax soo saarka shidaalka marka la fiiriyo ilaa iyo hada goobaha baaritaanka laga sameeyay.

Warbixinta horudhaca ah ee baaritaanka markabka OrucReis uu ku sameeyay sagxada bada ee blockyada 152 & 153 ayaa muujiyay in goobahaan laga heli karo shidaalka ugu badan.

Inkastoo baaritaanku socdo ilaa iyo hada waxaa la  ogaaday waa inuu jiro kayd gaas dabiici ah oo aad u faro badan

Wargeyska ayaa sheegay in hadii baaristaasi lagu baahiyo aagga dhaqaallaha gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ), la rumeysan yahay inaan faqri dambe laga soo sheegi doonin Soomaaliya.

Baaritaanka markabka Oruc Reis ayaa lagu wadaa inuu xeebaha Somalia ku sii negaado bilaha soo socda si uu u sii wado baaritaanka.

Related posts

Israa’iil oo weerar Khasaaro geestay ku qaaday garoonka diyaaradaha Dimishiq

Cabdi Cade

Koox burcad badeed ah oo markab kala dagay shaqaale badan oo ajaaniib ah

Caydiid Ali

Ciidanka Israa’iil oo duqeymo ka fuliyay magaalo ku dhaw xadka dalka Masar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---