Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Madaxweyne Qoor-qoor ka yiri Saraakiil & ciidankii maanta la laayey?

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka tacsiyeeyey geerida taliyihii ciidanka Nabad-sugida Magaalada Dhuusamareeb, Marxuum Dhamme Qooje Cabdi Shiikhdoon iyo askartii la socotay ee ku dhintay maanta miino lagu aasay wadada isku xirta Dhuusamareeb iyo Deegaanka Ceeldheer.

“Waxaan Dhamaan Eheladii iyo Qoysaskii ay ka baxeen uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Taliyihii ciidanka Nabadsugida Caasimada Gashanle Marxuum: Cabdirashiid Cabdi Shiikhdoon “Qooje” iyo Dhame Abdihakim Macalin mustaf iyo Askartii kalle ee ku shahiiday qaraxii, Khawaarijtu ey la eegteen” ayuu yiri Madaxweynaha

Waxan si gaar ah uga tacsiyeynayaa ayuu yiri qoyskii, axsaabtii iyo ehelkii & qaraabadii ay ka baxeen, iyo sidoo kale taliska NISA Galmudug iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida.

“Eebe naxariistii Janaad haka waraabiyo, samir iyo iimaan saadaqana hanaga siiyo! Amiin” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala haday Wasiir Anders Hall (Sawirro)

Cabdi Cade

Kulan Xasaasi ah oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble oo ka socda Villa Somalia

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Khayre Oo Qatar Uga Qayb Galay Furitaanka Madasha Dooxa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---