Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala haday Wasiir Anders Hall (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Sweden Anders Hall.

Xamsa Barre iyo Anders Hall ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah ee labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo ku boorriyey in ay gacan ka geysato dadaallada xukuumadda #DanQaran ee la xiriira horumarinta iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Sweden, Anders Hall, ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga iyo caddaalada, gaar ahaan dadaalladeeda la xiriira ciribtirka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo Soomaaaliya xasilloon oo ka caaggan argagixiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya (Sawirro)

Cabdi Cade

Siyaasi caan ah oo kusoo baxay doorasho saakay ka dhacday magaalada Kismaayo

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo khudbad ka jeediyey Shirka loo dhan yahay ee LDC5 (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---